Posts

Siyaasadda Geeska Afrika Oo Mar Kale Isbeddel Ka Muuqdo Iyo Somaliland

Image
Tan iyo intii Raiisal wasaaraha Ethiopia ee Abby ahmed uu la wareegay shaqada waxa uu si xawli ah u dhaqaajiyay isbeddelo laga yaabay oo xawli ah oo dabcan waddamo faaiido u keenay sida Ertrea oo kale qaar kalena walaac ku abuuray sida jabuuti oo kale,Somaliland wuxu ku furay woxoogaa brobagando ah Dhinaca Somalia way is yara buurtay oo woxoogaa awood aanay lahayn ayay is bidday,waxayna isu aragtay inau ku amar ku taaglayn karto siyaasadda arrimaha dibadda. Hase ahaattee wixii waxad mooddaa in isbeddel ku yimid oo ay Runi run timid oo howlo badan oo gudaha Ethiopia ahi ka horyimaadeen abby ahmed sidaas darteed uu dhimay socodkii,waxa kalood mooddaa Madaxweynaha Federalka Somalia oo uu awal hore aad ugu xidhnaa inuu ka xiiso dhacay hadda oo dhinaca Somaliland oo markii hore uu u yara aamusay inuu hadda u soo janjeedhsaday waxad ka garan heerka martiqaad ee uu u sameeyay madaxweyne Biixi. Dhinaca kale Xukuumadda jabuuti ayaa aad uga niyad jabtay Xukuumadda Somalia in kastoo ja

Imaaraadka oo Shaaciyey Inay Maalgashiga ugu Badan ee Afrika ka Fulinayaan Somaliland

Image
Hargeysa (warda)- Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in Jamhuuriyadda Somaliland ay hoggaaminayso dalalka Afrika ee ay siiyaan maalgashiga tooska ah. Warsidaha East African Business Week, ayaa daabacday Warbixin ka soo baxday Xafiiska Maalgashiga Dibadda ee Tooska (FDI) ee Imaaraadka ayaa shaaciyey in Somaliland hormuud ka tahay dalalka ay maalgashanayaan, waxaana kaalinta labaad ku jira dalka Masar. Dawladda Imaaraadku Waxay caddeysay inay Somaliland wax kala qabanayaan dhinaca casriyeynta dekedda Berbera oo ay gelinayaan dhaqaale lagu qadaray 442 Milyan oo Doolar. Isla markaana ay saldhig Millatari ka furanayaan magaalo xeebeedda Berbera bisha June ee sannadkan. Sidoo kale waxa Xafiiska maalshiga FDI ee dalka Imaaraadku sheegay inay doonayaan inay noqoto dekedda Berbera marin biyoodka ugu muhiimsan ee Geeska Afrika. Mashaariicda ay maalgashanayso Imaaraadk Carabtu waxay iskugu jiraan horumarinta dekedaha, Gaadiidka, macdanta, cusboonaysiinta tamarta, deegaanka iyo h

Weftigii Madaxweynaha Somaliland oo Dalka Dib ugu Soo Laabtay

Image
Hargeysa (warda)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey oo booqasho laba maalmood qaadatay ugu maqnaa dalka Itoobiya, ayaa shalay ku soo guryo noqday caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Madaxweyne Muuse Biixi iyo weftiga uu hoggaaminayo, ayaa markii ay soo cago-dhigteen gegida caalamiga ah ee Cigaal International Airport, waxa safarkooda saxaafadda uga warbixiyey wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, waxana uu shaaciyey in wada-hadal midho dhal ah oo guul laga gaadhay uu dhexmaray madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Weftigu waxa uu la kulmay ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya, Dr. Abiy Axmed oo ay weheliyaan wasiirrada Khaarajiga, maaliyadda, wasiiru-dawlaha arrimaha dibadda iyo saraakiil sarsare oo dalka Itoobiya ka tirsan. wada-hadal is-fahan dheer leh, ayaa madaxweynaha iyo ra’iisal wasaara

Yuu u Qufulan yahay Dastuurka Somaliland? waxa qoray:Cabdi Muxumed,

Image
Waxaad in badan ka maqlaysaa siyaasiyiin ku sheega Somaliland, dadwaynaha iyo warbaahinta ba  “Dastuurka ilaa la furo hawshaasi ma suurta galayso.” iyo kan iyo keer. Iyadoo aad moodo inaynu ilduufayno su’aal aad u haboon inaynu is waydiino oo ah horta waa ayo cidda uu u qufulan yahay Dastuurka Somaliland? Dastuurku waxa uu ka mid yahay dhaxalkii uu inooga tagay Alle ha u naxariisto e’ madaxwaynihii hore ee Somaliland Mudane Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal. Samayntiisuna waxay qaadatay mudo dheer oo kharash badani kaga baxay Qaranka Somaliland. Dad badan ayaa ka qayb qaatay oo uu ka mid ahaa Gudoomiyihii hore ee Golaha Wakiiladda Alle ha u naxariisto e’ Qaybe iyo nin Suudaani ahaa oo saacaddii lagu siin jiray $150 oo Khabiir ku ahaa qoraalka dastuurka cusub ee la unkayo. Aakhirkiina hawshaa laga sameeyay buug yare in badan oo ka mid ahi qabyo tahay meelo badan oo ka mid ahna aad ku arkayso xeer ayaa qeexi doona. Hadda geeridii mudane cigaal waxa ka soo wareegtay middo 17 sanno

Kulanka Biixi & Abiye Axmed: Qodobada Ay Ka Wada Hadleen Ee Xidhiidhka Labada Dal, Isticmaalka Dekedaha Iyo Wada Hadalada Hargeysa Iyo Muqdisho

Image
H argeysa(allmarodijex)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay socdaal shaqo ku tagay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, ka dib markii uu martiqaad rasmi ah ka helay Raysalwasaaraha Itoobiya Dr. Abiye Axmed. Madaxweyne Biixi, waxa madaarka ku qaabilay Wasiirka maaliyadda Itoobiya Axmed Shide iyo Wasiirul dawlaha arrimaha dibadda Itoobiya Hirut Zemene, waxaana magaalada Addis Ababa loogu soo dhaweeyay si diiran, iyadoo qolka martida markii u horaysay la dhigay calamada Somaliland iyo Itoobiya. Kulanka Biixi iyo Abiye Raysalwasaaraha Itoobiya ayaa shalay gabal dhicii wuxuu xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweyne Biixi, waxaanay yeesheen kulan fool-ka-fool ah oo ay isku horfadhiisteen labada hoggaamiye iyo labada wefti ee ay kala wateen. Qoraalada la soo saaray Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, ayaa kulankaas ka dib soo saaray qoraalo ay kaga hadleen waxyaabaha ay labada dhinac ka wada hadleen. Madaxweyne Biixi Ma

Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ka Qayb Galay Xuska Maalinta Dhalinyaradda Somaliland+Sawiro.

Image
Hargeysa(Dawan)Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha qaranka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta ka qayb-galay xuska 20 February oo ah maalinta dhalinyaradda Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland iyo Raiisal Wasaaraha Ethiopia oo Ku Kulmay Addis-ababa iyo Nuxurkii Ay Ka Wada Hadlay +Sawiro.

Image
Hargeysa(allmarodijex)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey oo ku sugan caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, ayaa waxa xafiiskiisa ku qaabilay ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Dr. Abiy Ahmed. Kulanka dhexmaray madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Ra’iisal wasaaraha dawladda federal-ka Itoobiya, a yaa lagaga wada-hadlay arrimo badan oo khuseeya danaha labada dal oo ay ka mid yihiin xoojinta xidhiidhka iyo is-kaashiga labada waddan ee Somaliland iyo Itoobiya, Amniga iyo nabadgelyada, siyaasadda, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo horumarka dhaqan-dhaqaale ee waddamada geeska Afrika. Dalalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya, ayaa waxa ka dhexeeya xidhiidh qoto dheer oo soo jireen ah, kaas oo salka ku haya deris-wanaag, xidhiidh ganacsi iyo mid siyaasadeed oo guun ah. Kulanka dhexmaray madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo ra’iisal wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed, ayaa waxa ku