Siyaasadda Geeska Afrika Oo Mar Kale Isbeddel Ka Muuqdo Iyo Somaliland

Tan iyo intii Raiisal wasaaraha Ethiopia ee Abby ahmed uu la wareegay shaqada waxa uu si xawli ah u dhaqaajiyay isbeddelo laga yaabay oo xawli ah oo dabcan waddamo faaiido u keenay sida Ertrea oo kale qaar kalena walaac ku abuuray sida jabuuti oo kale,Somaliland wuxu ku furay woxoogaa brobagando ah Dhinaca Somalia way is yara buurtay oo woxoogaa awood aanay lahayn ayay is bidday,waxayna isu aragtay inau ku amar ku taaglayn karto siyaasadda arrimaha dibadda.

Hase ahaattee wixii waxad mooddaa in isbeddel ku yimid oo ay Runi run timid oo howlo badan oo gudaha Ethiopia ahi ka horyimaadeen abby ahmed sidaas darteed uu dhimay socodkii,waxa kalood mooddaa Madaxweynaha Federalka Somalia oo uu awal hore aad ugu xidhnaa inuu ka xiiso dhacay hadda oo dhinaca Somaliland oo markii hore uu u yara aamusay inuu hadda u soo janjeedhsaday waxad ka garan heerka martiqaad ee uu u sameeyay madaxweyne Biixi.
Dhinaca kale Xukuumadda jabuuti ayaa aad uga niyad jabtay Xukuumadda Somalia in kastoo jabuuti ay tahay waddan guun ah oo qarsan kara cadhada ay u qabaan Somalia ka dib markii madaxweyne Farmaajo oo uu ka danbeeyo abby Ahmed uu ugu baaqay UN in cunaqabataynta laga qaado Eritrea arrintaas oo jabuuti aad uga walaacday,maadaama dhul jabuuti ay leedahay ay haysato Eritrea.
Dhinaca kale Kenya iyo Somalia ayaa xidhiidhkoodu aad u xumaaday iyadoo kolka horeba Kenya walaac xagga Amniga ahi kaga furnaa dhinaca Somalia ayay haddana Arrinta badda ay timid sidaas darteed xaalkoodu wuu cakiranyahay.
Waxad moodda in xaaladu ay ku adkaanayso Somalia sababtu waxay tahay Somalia oo awoodeedu u badantahay xagga arrimaha dibadda ayaan waxba ka qaban xagga arrimeheeda gudaha,waxayna inta badan ku mashquulsantahay safarro dibadda ah oo ay lacag meelahaas kaga urursato.haba se ahaattee dhaqaalaha soo gala waxba uguma qabato Umadda Somaliyeed ee tabaalaysan ee waxay u adeegsattaa Brobagando ay qori dable isugu dhiibto dhulal nabadi ka jirto Sida Somaliland oo kale ama Sida koonfur galbeed Somalia oo kale.
Guud ahaan waxa soo yaraanaya xiisihii geeska Afrika u qabeen Somalia waayo Siyaasadda arrimaha Dibadda waxa hogaamisa siyaasadda arrimaha gudaha Mar haddii ay Somalia aanay gudaha waddankeeda waxba ka qaban Karin ama xaqiiqada taalla aanay ka tarjumayn dabcan way iska yaraanaysaa rajadii ay ka qabeen waddamada Geesku.
Maanta Somaliland fursad wayn ayaa u taalla oo ay si run ah geeska Afrika waddamada ku yaalla ay kula macaamili karto waxana shaqayn doona samirkii reer Somaliland muddada dheer muujiyeen inuu haatan midho dhalo waase hadba sida looga faaiideeyo,waayo waddamo hore indhaha uga lalin jiray Somaliland oo maanta soo waayo arkay ayaa soo hor fadhiisanaya Somaliland markaas waa fursaddii ay Somalilnd ugu gardhigan lahayd waddamadan geeska Afrika ku yaalla Runta in  lagala hadlaana maanta way sahlantahay.
Wa billaahi towfiiq

Comments

Popular posts from this blog

Sidee Nolosha Loogu Guulaystaa?

Horamarku Waa Midhaha Dadaalka

Maskii Hadyadda Siyaasadda Loo Bixiyay!