Dhakhaatiirta Shiinaha Oo Badbaadiyey Qof Nolosha Waayey Muddo Kooban .

Dhakhaatiirta dalka Shiinaha ayaa ku guulaystay in ay badbaadiyaan  bukaan muddo kooban naftiisa ku waayi gaadhey , iyada oo ay 2 saacadood iyo badh ku qaadatay  in ay bukaankaasi ku badbaadiyaan .
Sida lagu daabacay wargeyska Daily Mail oo uu qormadan kazoo xigtay wargeyska Dawan  bukaankan ayaa la keenay cisbitaalka Traditional Medicine University  Hospital  oo ku yaala gobolka  Liaoning , waxaana bukaankan markeliyaata istaagey wadnaha kadib markii uu shil galay, taas oo keentay in loo soo gudbiyo cisbitaalkaasi.
Bukaankan ayaa koomadaasi ku jiray muddo laba saacadood iyo badh ah , iyada oo ay isugu yimaadeen dhakhaatiir gaadhaysa ilaa 20 dhakhtar, waxaanay  siiyeen dawooyin suurto geliyey in ay dib u shaqeeyaan Wadnihii iyo Sambabadiisuba.
Intii dawayntan lagu waday waxa ay hoos u celiyeen laabta bukaankan Dhakhaatiirtani  15,000 oo jeer , iyaga oo doonaayey in ay naqas kazoo saaraan ama uu hawo soo celiyo , waxaanay ugu dambayn dhakhaatiirtani ku guulaysteen in ay dib usoo celiyaan rajada qoyska Zhang oo iyagu hore uga samray , iyada oo ay xubno qoyskiisa kamid ahi bilaabeen in ay  diyaariyaan xabaashiisa .

Comments

Popular posts from this blog

Sidee Nolosha Loogu Guulaystaa?

Horamarku Waa Midhaha Dadaalka

Maskii Hadyadda Siyaasadda Loo Bixiyay!