Hurdada Waqtiga Yar La Seexdo Habeenkii Oo Keenta Caafimaad Daro Badan.
Saynisyahano u dhashay wadamada Maraykanka iyo Isbayn ayaa daraasad ay wadeen muddooyinkii ugu dambeeyey oo ay ku samaynayeen waqtiga ugu wanaagsan ee Hurdada habeenkii la seexan karo iyo khatarta ay lee dahay hurdada waqtiga la seexda soo bandhigay natiijadeedii .
Khubaradan ayaa sheegay in ay ogaadeen hurdada ka yar Lixda saacadood in ay keento khatar badan oo dhinaca caafimaadka ah , taas oo horseeda xanuuno khatar ah oo ay kamid yihiin Wadne Xanuun, Dhiig yaraan iyo sidoo kalena dhiig Kar , sida lagu daabacay website-ka EurekAlert oo uu qormadan wargeyska Dawan kazoo xigtay.
Khubarradan ayaa sheegay in ay dadka seexda saacaddaha ka yar 7 ilaa 8 saacadood habeenkii ay ka khatar badan yihiin kuwa seexda saacaddaha dhamayska tiran , waxaana intii daraasadani socotay tijaabo lagu sameeyey dad u dhashay dalka Spain oo gaadhaayay 3,974 oo qof , kuwaas oo isugu jiray dad xili caadiya seexda saacaddo dhamaystiran iyo kuwo hurdadu ku yar tahay .
Dadkan hurdadu ku yar tahay ee lagu sameeyey tijaabada ayaa intooda badan laga helay xanuunada Dhiig Karka iyo Wadne Xanuunka , iyaga oo sheegay in aanay hore u lahaan jirin ka hor intii aanay hurdadoodu yaraan, waxaana xanuunadaasi laga helay 34% kamid ah dadkaasi tijaabada maraayey.
Sidoo kale kooxdan Khubarrada ah ayaa sheegtay in hurdada ka badan 8 saacadood lafteedu ay tahay mid keentay xanuuno kuwan lamid ah , iyada oo ay diiqad dareeman dadka hurdada ka badan 8 saacadood seexda.
Comments
Post a Comment