Qaabkee loo sammaystaa Qorshe Nololeed?

Toban Talo oo Qorshaha Nolosha ah:-
Noloshu waxay u baahan tahay qorshayaal joogto ah si ay u gaadho hadafkeeda iyo Himiladeedaba taasina waxay u baahan tahay innaad Toban kan Qodob fahantid ka dibna ku dhaqantid oo aad ka dhigatid mid aad ku xisaabtamaysid.
Haddii aan xooggaa kuu sheego waxa ugu horreeya innaad yeelatid buugga qorshaha ee Naftaada dibna aad raacdid tallaabooyinkan:-
1. Sammayso Qorshe Wiigle ah, kadibna samayso oo liis garee Meelaha aad hiigsanaysid, qorshee qaabkii aad ku gaadhi lahayd iyo waddooyinka ku hor yaalla, sidoo kale shaqooyinkaaga caadiga si aad u qabsatid soo liis garee Maxaad qabanaysaa wiigan Maxaa muhiim ah maxaase aan muhiim ahayn soo horreysii qorshaha muhiimka ah.
2. Sammayso qorshe Bile ah iyo sanadle ahba
Bishan maxaad qaban kartaa ama ku hor yaalla shaqo ama waxbarasho ama shaqoraadsi sidoo kale sanadkan maxaad qorshe ka dhiganaysaa waa in aad sanadkasta samaysaa qorshe sanadeed ka dibna ku dedaashaa gaadhistiisa.
Liis garee baahida ku hor taagan
Xalkana iyo wakhtigana raaci.
Maalinkasta qabo wixii aad qorshaysan haddii Alle nabad qab kugu gaadhsiiyo.
3. Maalinkasta Subaxii dhe Alx, ka dibna markaaad toostid Warqad yar ku qoro waxa aad rabtid innaad qabatid kana soo qor Buuggii qorshaha jeebkana ku qaado oo ku xisaabtan.
4. Fuli wixii aad qorsheysay una fuli sidii aad u kala jeclayd, sidoo kalena u fuli sidii aad ay u kala muhiimsanaayeen.
5. Alle tallo saaro subaxkasta u mahadnaq, Xidhiidhka Allena adkee, Ducadda badso, waalidkaa ka duceyso subaxkasta caawina intaad caawin kartid haddii ay kaa hooseeyaanna u ducee.
6. Shaqooyinka Aan qorshaha ku jirin Ha ku degdegin qabashadooda wixii aad muhiim ahayn, iskuna day innaad cidkasta ugu jawaabtid in aanay qorshahaaga kugu jirin se aad wakhti u sammaysanaysid.
7. Alle ha kugu guulleeyo markasta waxaad u dhaqaaqdidba.
8. Markasta iswaydii maxaa kuuqabsoomay maxaa kuu qabsoomay maxaanse kuu qabsoomin, mararka aad guulleysatid sammayso Dabaaldeg yar oo keli kuu ah Allena ugu mahadnaq, mararka aad guulderaysatidna Alle ugu mahadnaq kana bari inuu marlabaadka kugu guuleeyo kuna celi.
9. Guushaadu waa guushayda Guulleyso
10. Sidaan kuu caawiyay ee aan kuulla taliyayna dadka ula talli uguna gudbi haddii aad wax wanaagsan u aragtid qoraalkan.

Comments

Popular posts from this blog

Sidee Nolosha Loogu Guulaystaa?

Horamarku Waa Midhaha Dadaalka

Maskii Hadyadda Siyaasadda Loo Bixiyay!