Posts

Showing posts from January, 2019

Shil Khasaare Badan Dhaliyey Oo Ka Dhacay Dalka Hindiya .

Image
12 qof ayaa ku dhintay inta ilaa hadda la hubo  laba kalena waa ku dhaawacmeen kadib markii ay laba gaadhi isku dhaceen  gobolka Ojayn  oo ka tirsan dawlada goboleedka Madhya Baradheesh ee dalka Hindiya . Ra’isal wasaaraha dawlada Hindiya Narendra Moodiy oo ka hadlay shilkan khasaaraha badan dhaliyey ee dalkaasi ka dhacay ayaa ku tilmaamay mid laga murugoodo, isaga oo intaasi raaciyey in uu aad uga xun yahay dadkaasi badan ee shilkaasi ku dhintay . Ciidamada Booliska ayaa sheegay in ay wadaan baadhitaano lagu hayo shilalkaasi iyo wax sababay isku dhaca gawaadhidaasi , iyada oo labadii qof ee dhaawaca ahaana loo qaaday cisbitaal ku yaala degaankaasi . Dalka Hindiya ayay sannadihii ugu dambeeyey kusoo badanayeen shilalka gaadhi ee ka dhacaayey, iyada oo ay dad badani ku dhinteen shilalkaasi , waxaanay u badnaayeen kuwo gawaadhiyi isku dhacday intooda badani. Share this:

Maamuleyaasha Dugsiyadda Gobolka Maroodijeex Qaar Kamid Ah Oo Tabobar Loo Furay.

Image
Hargeysa(allmarodijex)Maamuleyaasha Dugsiyadda Gobolka Maroodijeex Qaar Kamid Ah Ayaa Tabobar Loo Furay.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka Oo Kormeer Ku Tegey Biriijka U Dhexeeya Berbera Iyo Sheekh Ee Kala Jab.

Image
Berbera(allmarodijex)Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Ayaa Kormeer Ku Tegey Biriijka U Dhexeeya Berbera Iyo Sheekh Ee Kala Jab.

Fasiraadii Riyada Ee Xadhiga Keentay!

Markii boqork habeenkii riyooday ayuu dalabday in loogu yeesho sheekh riyada fasira waxaana uu sheegay inuu ku riyoday isagoo ay ilkihiisu wada daateen. Sheekhii ayaa ku yidhi ma hubta ? haa waan hubaa ayuu yidhi.   Shekhii ayaa yidhi “ Riyadaadu waxay sheegaysa in ehelkaagu madhan doonaan oo ay  adigoo nool wada dhimanayaan. Boqorkii ayaa cadhooday oo yidhi hala xidho. Sheekh labaad ayaa loo yeedhay  markii uu riyadii u sheegay ayuu ku yidhi:” Isagoo farxadi ka muuqato, maansha Allaha , riyadu waxay sheegaysaa inaad adigu tahay mid ka cimri dheer ehelkiisa.  Boqokii ayaa farxay oo hadyada siisayay.  labada sheekh waa isku mid fasirkoodu laakiin sida ay ukala yidhaahdeen ayaa kala duwan. Waana laba kelmadood oo isku mid ah laakiin siyaabo kala duwan oo midna rajo samaynayso mid kale naxdin abuurayso. Share this:

Sideed Uga Faa’iidaysan Xikmadda Kugu Kaydsan?

Nin boqor ah ayaa habeen riyooday. Markii waagii beryay ayaa loogu yeedhay sheekh riyada fasira waxaana uu sheegay inuu ku riyooday isagoo ay ilkihiisu wada daateen. Sheekhii ayaa ku yidhi ma hubta ? haa waan hubaa ayuu yidhi.   Sheekhii ayaa yidhi “ Riyadaadu waxay sheegaysa in ehelkaagu madhan doonaan oo ay horta wada dhiman doonaan. Boqorkii ayaa cadhooday oo yidhi hala xidho. Sheekh labaad ayaa loo yeedhay  markii uu riyadii u sheegay ayuu ku yidhi ma hubtaa haa ayuu yidhi Sheekhii ayaa ku yidhi isagoo faraxsan maansha Allaha , riyadu waxay sheegaysaa inaad adigu tahay mid ka cimri dheer ehelkiisa.  Boqorkii ayaa farxay oo hadyad siiyay.  Bal u fiirso fasiraadda labada sheekh waa isku mid laakiin sida ay  Boqorka ugu fahansiiyeen ayaa kala duwan.   Ehelkaagu way wada dhimanayaan adiga hortaa = Waxaad tahay mid ka cimri dheer ehelkiisa.   Qiso Kale :  Saxaabiga Xudayfa Binu Yaman ayaa yidhi waxa ii yeedhay Rasuulka Allah (scw) habeenkii Axsaab, waxaana  uu ii diray inaan soo ogaado

Boqorka “Waxaan Ka Baraty Qiimaha Qanaacada”

Boqorka ayaa doonayay inuu soo kormeero bulshadiisa, waxaana uu la kulmay nin beerlay ah oo aad u faraxsan. Boqorka ayaa ku yidhi “ waxa kaa muuqata farxad badan, beertase ma adigaa iska leh?”  Ninkii ayaa ku jawaabay maya , waan ka sheqeeyaa. Boqorka ayaa weydiiyay imisaad ka qaadataa, shaqadan badan? Waxaan uu ugu jawabaay 4 Ginni.  Boqorka ayaa ku yidhi “ Ma kugu filan tahay “?   waxaana uu ku jawaabay haa way igu fian tahay. Waxaana uu yidhi , hal Ginni masaariif ayaan ka dhigtaa, midna dayn ayaan iskaga bixiyaa, mid kale anigaa daymi kuwo kale, mid sadaqad ayaan ula baxaaa. Boqorkii aya yidhi “ maan fahmine ii faahfaahi”? waxaan uu ku yidhi :” Midka aan masruufto Aniga iyo Xaaskayga ayaa ku nool. Midka aan daynta ku bixiyana waxaan siiyaa, labada waalid ee isoo koriyay, markaan yaraa, Midka  aan daynta kuu sii bixiyana waa ka aan ku bbiiliyo caruurtayda, dharkooda, cuntadooda, waxbara-shadooda, si markay weynaadaan iigu soo celiyaan. Kan aan sadaqaystana waxaan siiya laba h

Sinjibiishu Waxay Dawo Ka Tahay Xanuuno Badan

(Allmarodijexnews) Sinijibisha ayaa la caddeeyay inay dawo aad u wanaagsan tahay, waxaana la sheegay inay ku badan tahay maadada Gengirol oo ah tan ka qayb qaadata habsami u socodka dhiiga iyo inuu noqdo mid si fiican u dhex mara xidida. Waxaana ay warbixntu intaasi ku dartay inay Sinjibiishu kor u qaado saafinimada dhiiga iyo marinada dhiigu  maro oo ay ka ilaaliso inay awdmaan. Walaxda Gengirol waxa kale oo ay caawisaa in Dhiigu si aan xayiraad lahayn u socdo isaga oo xambaarsan Ogsajiin ku filan, Nafaqooyin iyo waxyaalaha kale ee daruuriga u ah Jidhkeena, isagoo gaadhsiinaya unugyadu Jidhkeenu ka kooban yahay. Sinjibiishu waxay kale oo ay dawo u tahay Dadka ku dawakha Safarada, Xanuunka ku dhaca Ciridka, Nabarada, kabuubyada Xubnaha jidhka laga dareemo. Noocyo tiro bdan oo Bakteria ah waa dawada ugu wanaagsan. Sinjibiishu waxay dejisaa Maskaxda, cadaadiska Dhiiga oo ay hoos u dhigto, Apiete-ka oo ay Qofka u furto, fududaynta Dheefshiidka, ka hortaga Mataga iyo xanuunada yalaal

Maarayn Loo Waayey Sarif Bararka Bulshada Ku Habsaday

Image
(allmarodijexnews)Sicir-bararka iyo sarrif-bararka is biirsaday  ee ka taagan Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa galay marxaladdii ugu xumeyd taariikhda 26-kii sannadood ee dalkani  madax-bannaanidiisa la soo noqday, waxaanay  xaalad aad u adag oo nololeed soo wajahday dadka danyarta ah oo markii horeba ay haysatay dhaqaale xumo iyo shaqo la’aan. Maceeshada daruuriga ah, ayaa aad u qaaliyowday oo gaadhay heer ay bulshada danyarta ahi go’yn waayeen, waxa kaloo qiime dhicii ugu xumaa ku habsaday lacagta waddanka oo dalkeeda ku basaastay, ka dib markii  ganacsatadda iyo xukuumadduba ay muuneyn  waayeen, waxaanu dhaqaalihii waddanku noqday mid u garbo duuban  doolarka Maraykanka iyo  lacagta laga diro  telefoonada gacanta ee Zaad iyo E-dahab (Electronic Money) ee shirkadaha isgaadhsiintu leeyihiin oo lacagtii adkayd  ka jilaabtay dalka, isla markaana fulin waayay wareegtadii madaxweynaha ee lagu faray inay xaddidaan lacagaha telefoonka laga xawilo oo muddadii loo qabtay ay ku ekayd 1-dii

Wasiirka Horumarinta Biyaha Somaliland Saleebaan Cali Koore Oo Si Adag Ugu Jawaabay Maamul goboleedka Waqooyi Barri Somaliya.

Image
hargeysa(allmarodijexnews) Wasiirka Horumarinta Biyaha Somaliland Saleebaan Cali Koore Ayaa Si Adag Ugu Jawaabay Maamul goboleedka Waqooyi Barri Somaliya.

Dhaqanka Qofka oo Gawrac Labada Dhegood Loogu Simo David Haines, Samafale Ka Soo Jeeda Hingriiska oo Kooxda Daacish Dhegta Dhiigga U Dartay

Faallo: allmaeodijexnews Q aybtiihore ee qormadan waxaan ku xusnay David Haines (Hingiriis), James Foley iyo Steven Sotloff (maraykan) oo muddo bil gudaheed ah kooxda Daacish gawrac labada dhegood ugu simeen. Sidoo kale, waxaan soo tibaaxnay dhaqanka gawracu inuu soo jireen ahaa iyo in uu ahaa fal aad uga hirgalay Yurubtii hore. Isla markaa, waxaa aan kor ka xaadinay Boqrtooyadii Tibetan ee  Buddhist-ka oo ku caan baxday in ay dhegaha ka jaraan cadowga. Taariikhdu waxaa ay sheegtay boqortooyada Tibetan in ay lahayd dooxo la odhan jiray “dooxadii Dhegaha Qudhmoon” (The Plain of Stinking Ears) tasoo oo lagu ururiyay dhegahii boqolaal kun oo askar markii ay jebiyeen boqortooyadii Mongoliyiinta. Dhinaca kale, waayahii dadka Mayan ee 613BC (dhalashadii Nebi Ciise ka hor) ku dhaqnaa Waqooyiga Mexico waxaa looga daydaa in gunta laga siibo cidiyaha maxaabista. Xanuunka iyo dhiig fara badan oo ka soo hoobta tobanka farood waxaa ay keeni jirtay in maxaabistu ka xog-bixiyaan sirtooda iyaga oo ka

Hurdada Waqtiga Yar La Seexdo Habeenkii Oo Keenta Caafimaad Daro Badan.

Image
Saynisyahano u dhashay wadamada Maraykanka iyo Isbayn  ayaa daraasad ay wadeen muddooyinkii ugu dambeeyey oo ay ku samaynayeen waqtiga ugu wanaagsan ee Hurdada habeenkii la seexan karo iyo khatarta ay lee dahay hurdada waqtiga la seexda soo bandhigay natiijadeedii . Khubaradan ayaa sheegay in ay ogaadeen  hurdada ka yar Lixda saacadood  in ay keento khatar badan oo dhinaca caafimaadka ah , taas oo horseeda xanuuno khatar ah oo ay kamid yihiin Wadne Xanuun, Dhiig yaraan  iyo sidoo kalena dhiig Kar , sida lagu daabacay  website-ka EurekAlert oo uu qormadan  wargeyska Dawan kazoo xigtay. Khubarradan ayaa sheegay in ay dadka seexda saacaddaha ka yar 7 ilaa 8 saacadood habeenkii ay ka khatar badan yihiin kuwa seexda saacaddaha dhamayska tiran , waxaana intii daraasadani socotay tijaabo lagu sameeyey dad u dhashay dalka Spain oo gaadhaayay 3,974 oo qof , kuwaas oo isugu jiray dad xili caadiya seexda saacaddo dhamaystiran iyo kuwo hurdadu ku yar tahay . Dadkan hurdadu ku yar tahay ee

ka Amiirka Dhaxalka Boqortooyadda Leh Oo Iyada Oo Aan Xijaabnayn Kasoo Muuqatay Goob Xaflad Ah Markii Ugu Horeysay.

Image
Hargeysa(Allmarodijexnews)Xaaska amiirka leh dhaxalka Boqortooyada Sucuudiga Maxamed Binu Salmaan  Sarah Bintu Mashhuur ayaa markii ugu horeysay kazoo muuqatay goob xaflad lagu qabanaayey iyada oo aan xijaabnayn, taas oo si weyn uga yaabisay dadka reer Sucuudi Carabiya. Warbaahinta dunnida iyo baraha Bulshadu ku xidhiidho ayaa si weyn loogu qaadaa dhigay Amiiradan uu dhaxday Dhaxal Sugaha Sucuudiga , waxaanay kazoo qayb gashay munaasibada lagu magacaabo Mashraq2 ,  taas oo ay lacagtiisa bixisay iyadu , waxaana munaasibadan lagu qabtay  xarunta Taariikhaha ee Boqor Cabdulcasiis  oo magaalada Riyaad ku taala. Warbixino lagu qoray wakaaladaha Wararka qaarkood iyo goobaha xidhiidhka Bulshada oo uu qormadan kazoo xigtay wargeyska Dawan ayaa lagu sheegay in munaasibadan ay Amiirad Saarah kazoo qayb gashay ay bilaabantay maalintii Salaasadii , iyada oo dhamaatay maalintii Khamiistii , waxaana lagu soo bandhigay  waxyaalo ka hadlaaya Arrimaha Bulshada,Dhaqanka  iyo  arrimo ku saabsan Su

Dhakhaatiirta Shiinaha Oo Badbaadiyey Qof Nolosha Waayey Muddo Kooban .

Image
Dhakhaatiirta dalka Shiinaha ayaa ku guulaystay in ay badbaadiyaan  bukaan muddo kooban naftiisa ku waayi gaadhey , iyada oo ay 2 saacadood iyo badh ku qaadatay  in ay bukaankaasi ku badbaadiyaan . Sida lagu daabacay wargeyska Daily Mail oo uu qormadan kazoo xigtay wargeyska Dawan  bukaankan ayaa la keenay cisbitaalka Traditional Medicine University  Hospital  oo ku yaala gobolka  Liaoning , waxaana bukaankan markeliyaata istaagey wadnaha kadib markii uu shil galay, taas oo keentay in loo soo gudbiyo cisbitaalkaasi. Bukaankan ayaa koomadaasi ku jiray muddo laba saacadood iyo badh ah , iyada oo ay isugu yimaadeen dhakhaatiir gaadhaysa ilaa 20 dhakhtar, waxaanay  siiyeen dawooyin suurto geliyey in ay dib u shaqeeyaan Wadnihii iyo Sambabadiisuba. Intii dawayntan lagu waday waxa ay hoos u celiyeen laabta bukaankan Dhakhaatiirtani  15,000 oo jeer , iyaga oo doonaayey in ay naqas kazoo saaraan ama uu hawo soo celiyo , waxaanay ugu dambayn dhakhaatiirtani ku guulaysteen in ay dib uso

Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland Oo Ka Hadlay Hay’addo Ay Dalka Ka Mamnuuceen.

Image
Hargeysa(Dawan)Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland Ayaa Ka Hadlay Hay’addo Ay Dalka Ka Mamnuuceen. hay’addahan ayuu sheegay in ay qaarkood ahaayeen Wasiirku in ay markii ay is diwaangelinayeen isu diwaan gelinayeen habka NGO maxali ah oo kale, laakiin ay markii dambe noqdeen kuwo Caalami ah.

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray Xafiis Ay Yeelan Doonaan Ururka NAAFADA Somaliland.

Image
Hargeysa(allmarodijex)Wasiirka Maaliyadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire Ayaa Xadhiga Ka Jaray Xafiis Ay Yeelan Doonaan Ururka NAAFADA Somaliland.

WEEDHA WARGEYSKA Saameynta Isbeddellada Siyaasadeed ee Ka Socda Dunidu

Image
Ummadaha daafaha iyo ubucda dunida ku kala nooli, waxa uu mid kastaa markay dhibaato la soo gudboonaato ama uu badhaadhe iyo barwaaqo helo raad raac ka dhigtaa wixii uu hore uu usoo maray, si uu xal kama dembeysa ah uga gaadho ta maanta hor-taalla isagoo uga faa’iideysanaya wixii hore uga khaldamay ama u hagaagay barkhad iyo balaayaba. Taariikhdu waa tagto oo wixii shalay ku dhaafay maanta dib laguugu soo celin maayo, hase ahaatee haddana taariikhdu waa mid soo noqnoqota. Sidaa awgeed waxay indheer-garadku had iyo goor dib ugu noqdaan oo ay si mug leh u darsaan, dhib iyo dheefba wixii hore ee waayaha nolosha kala soo kulmeen iyo siday wax u dhaceenba, si aanay u il-duufin waxay ka yeelayaan xaajada hadda hortaal. isbeddello ballaadhan oo xagga siyaasadda ku lug leh oo tusaale ahaan u badan laba dhinac oo kala ah aragti siyaasadeed oo aaminsan, in dabaqadda sare ama inta wax haysataa ay ka mudan yihiin kuwa fara madhan [Populism] iyo aragtida kale ee siyaasadeed oo iyana aaminsan i

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo la Shiray Hay’ado ka Shaqeeya Kalluumaysiga

Image
Hargeysa (allmarodijexnews )- Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa shalay madaxtooyada ku qaabiley Laba Hay’adood oo kala ah Fair Fishing iyo Transfigure Foundation oo ka shaqeeya horumarinta Kalluumaysiga. Waxa shirka Madaxweyne ku xigeenku la yeeshay labadaas hay’adood ujeeddoodu aheyd sidii loo dardar gelin lahaa loona diyaarin lahaa qabsoomida Carwada Kalluumaysiga Somaliland ee Sannadkiiba mar lagu qabto dalka, laguna soo bandhigo wax-soo saarka Kalluunka, oo ay ka wada shaqeeyaan hay’adda Fair Fishing iyo Wasaaradda Xannaanada xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga Somaliland. Dhinaca kale hay’adda Transfigure Foundation oo iyagu ah hay’ad ku cusub dalka una timid sidii ay u indho-indhayn laheyd wax soo saarka kalluumaysiga ayey madaxweyne ku xigeenka ka wada hadleen sidii ay xog dheeraada uga heli lahaayeen waxa soo saarka dalka ee dhinaca kalluunka, iyagoo danaynaya inay dalka soo degaan kana hawl-galaan

Hay’ada Ka Hor Tagga Masiibooyinka oo Gurmadkeedu Wada Gaadhay Dalka oo Dhan Bari iyo Galbeed

Image
Hargaysa (allmarodijexnews) ):- Guddoomiyaha hay’adda ka hortagga aafooyinka iyo kaydka raashinka ee Jamhuuriyadda Somaliland Faysal Cali Sheekh Maxamed, ayaa sheegay in ay gurmad ka galeen masiibooyin abaareed, duufaantii Sagar iyo deegaano ay ka dheceen colaad beeleedyo saamaysay nolosha dad badan oo ku baro kacay. Waxa kale oo uu intaa raaciyay in ay gobolada dalka oo dhan ka hir gelinayaan xarumaha hay’adda iyo kaydka raashinka ee heer gobol, taas oo fududayn doonta gurmadka deg degga ah marka loo baahdo. Waxa kale oo uu sharraxaad ka bixiyay deegaanada ay u gurmadeen iyo tirada qoysaska ay taakulaynta gaadhsiiyeen oo ay ku jraan deegaanno ay qoysaskii ku noolaa lacag caddaan ah ugu qaybiyeen. Waxaanu sidaa ku sheegay guddoomiye Faysal Cali Sheekh Waraysi gaar ah oo uu shalay xafiiskiisa ku siiyay wargayska Dawan. Isaga oo ka warbixinayay dhacdooyinkii dalka ka dhacay mudadii uu xilka hayay iyo qaabkii ay hay’addu uga hawl gashay, waxaana uu yidhi “Bishii May ee sannadkii

Dalkee Duniada Ugu Nolol Wanaagsan?

Image
(allmarodijexnews) Dalka New Zealand waa waddanka ugu nolosha wanaagsan dunida. Wuxuu ku yaallaa dhinac koonfureed ee meeraha dhulka, waxaana uu ka kooban yahay laba jasiiradood oo ah waqooyi iyo tan koonfureed. Bulshada New Zealand ayaa ka kooban 4.8 Milyan qof, waxaana ay ku jiraan dhinaca nolosha heerka ugu sareeya dunida dhinacyada waxbrashada, daryeelka caafimaadka, .fursadaha shaqo iyo kuwa dhaqaale, xoriyadda maamulka iyo wixii la mid ah. Sanadihii ugu danbeeyay barwaaqada New Zealand ayaa si joogto ah kor ugu sii siyaadaysay iyadoo taasi ay weheliso tayada nolosha ee bulshada. Sanadkan dhamaadayna waxa uu ahaa kii afraad ee xidhiidh ah ee New Zealand ay ku guulaysto kaalinta koowaad ee dalka dunida ugu nolosha wanaagsan. Share this:

Qiso: Naftaada Beddel Kadib Dunidda!

Image
(allmarodijexnews) Boqor xukumayay dawlad ballaadhan ayaa maalin u baxay inuu soo kormeero magaalooyinka isagoo lugaynaya. Markii uu safarka ka soo noqday waxa bararay lugihiisa waayo wuxu marayay wadooyin cidhiidh ah oo dhib badan. Isla markiiba wuxu soo saaray wareegto ah in dhamaan wadooyinka lagu goglo harag si aanay mar danbe u dhibin, mid ka mid ah la taliyaayshiisa ayaa soo jeediyay fikrada ka wanaagsan, oo ah in boqorka oo keliya lugihiisa loo sameeyo harag uu ka gashado waxa dhibaya si aanay mar danbe taasi ugu dhicin. Halkaasi ayay ka bilaabantay kabaha la xidhaa.    Haddii aad rabto inaad si wanaagsan u noolaato ha isku deyin inaad dunida bedesho, keliya isku day inaad naftaada bedesho, kadibna isku day inaad dunida dhamaanteed wada bedesho. qora;mubarik farah roble

Guddoomiyaha Maxkamada Degmada Laascaanood Oo Ka Warbixiyey Kiisaskii Maxkamada Soo Galay Sannadkii Ina Dhaafay.

Image
Laascaanood(allmarodijexnews)Guddoomiyaha Maxkamada Degmada Laascaanood Ayaa Ka Warbixiyey Kiisaskii Maxkamada Soo Galay Sannadkii Ina Dhaafay.

Dufcadii Koobaad oo ka Qalinjabisay Jaamcada Burco Faraceeda Caynabo

Image
by mubarik farah caynaba-(allmarodijexnews)- Dufcadii koobaad, ayaa ka qalin jabisay jaamacadda Burco faraceeda degmada Caynaba ee xarunta gobolka Saraar. Munaasibad si wayn loo soo agaasimay oo lagu qabtay hoteelka Isha Caynaba ee magaaladaasi, ayaa waxaa ka soo qayn galay wasiirro, wasiirro hore, xildhibaano madaxda Jaamacadda Burco iyo marti sharaf kale. Waxaana ka qayb galay qalinjabinta munaasibadan wasiirka wasaaradda shaqo-gelinta iyo arrimaha bulshadda marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani, Wasiirka xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka mudane Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, maamulka iyo masuuliyiinta jaamacadda, waalidiinta ardayda iyo marti sharaf kale. Wasiirka xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha dastuurka mudane Maxamed Xaaji Aadan Cilmi oo munaasibadda qalin jabinta ka hadlay ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay aqoontu u leedahay aadamaha iyo sida aan marnaba looga waynaan waxbarashada. Wasiir Maxamed Xaaji Aadan waxa kale oo uu ku hambalyeeyay ardayda qalin jabisay iy

Ciid lagu Jaray Jid Muhiim u ah Isu-socodka Dadka iyo Gaadiidka

Image
(allmarodijexnews) Dhisme ay maxkamaddi xayiraad saartay ciid laga qoday oo laga soo saaray goobo lagu aasay haamo shidaal, ayaa caqabad aan laga gudbi karin ku noqday jid aad muhiim u ah oo dadka iyo gaadiidkuba ay adeegsadaan, isla markaana ah marin isku xidha dhawr waddo oo isu gudba. Wadayaasha basaska afar xaafadood oo ka baxa istaanka dhanka waqooyi kaga began biriilja wayn ee Hargeysa, ayaa cabasho xooggan ka muujiyay ciid laga qoday dhul kaalin shidaal laga dhigayay oo intaan la dhammaystirin maxkamadi xayirtay. Qaar ka mid ah wadayaashaas oo la hadlay wargeyska Dawan ayaa sheegay in goobtan carratuulka laga dhigey ay xanibtay waddadii, wakhtiga roobku da’ana ay dadka la siibato gaadiidkuna ku jiidhaan. Dirawaladaasi waxay ka codsadeen dawladda Hoose ee Hargeysa in ay uga soo gurmato ciidda lagu jaray waddadan dhibta ku haysa. Axmed Cabdi Ibraahim oo ka mid ah wadayaasha basaska oo ugu horreyn arrintan si faahfaahsan uga hadlaya ayaa yidhi “Muddo laba sannadood ah aya

wasiirka arimaha gudaha somaliland oo tababar usoo xidhay dufacadooo 30 aad ee ciidanka booliska somaliland

Image
Wasiirka wasaaradda arrimaha guddaha Somaliland mudane Maxamed Kaahin Axmed iyo Taliyaha ciidanka booliska Somaliland, Sarreeye Gaas Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa wada jir ugu soo xidhay tababar ay muddo qaadanayeen dufcaddii soddonaad ee ciidanka booliska Somaliland oo tababar ku qaadanayay dugsiga tababarka booliska Lixle ee Madheera. Wasiirka arrimaha gudaha oo ka hadlayay hawsha ciidanka boolisku qaranka u hayo iyo kaalinta uu kaga jiro dawladnimada, ayaa yidhi. “Waxaanu halkan tababar ugu soo xidhaynaa dufcadii 30aad ee ciidanka booliska oo la magac baxday Dhammays oo ka qalanjabinaysa dugsiga tababarka mandheera ee Lixle, Ciidanka Boolisku isaga ayaa masuul ka ah ilaalinta sharciga iyo nabadgalyada dalka. Ciidanka boolisku waa mid ku dhex nool bulshada, ciidanka boolisku waa saaxiibka dadweynaha, waxaanan joognaa xilli uu taabbo galay ciidanka boolisku oo hawshu meel fiican u marayso. (allmarodijexnews) Waxaa jiray xilliyo laga soo bilaabay meel aad iyo aad u hoosaysa o

wasiirka biyaha somaliland oo magacabay gudi heer qarana ah oo ka shaqeeyn doona horumarinta biyaha

(allmarodijexnews)Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha jamhuuriyadda Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa magacaabay guddi khubaro ah oo ka kooban aqoon yahan waayo aragnimo u leh arrimaha biyaha. Xubnahan guddiga ah oo ka kooban 19 khabiir ayaa isugu jira muwaadiniin u dhashay Somaliland iyo qaar ajaanib ah, ayaa lagu xushay aqoontooda iyo heerka waayo aragnimooda saraysa ee Horumarinta Saktarka Biyaha Somaliland. Sidaasina waxaa lagu sheegay wareegto uu soo saaray wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha jamhuuriaydda Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (koore), kaas oo nuqul ka mida uu soo gaadhay wargeyska Dawan. Wareegtadda wasiirka biyaha Somaliland ayaa u dhignayd sidan: “Mudane Saleeban Yuusuf Cali (Koore), wasiirka Horumarinta Khayaadka Biyaha Jamhuuriyada Somaliland ayaa aas aasay xubnaha guddiga Khuburada ugu aqoonta iyo waayo aragnimada badan ee horumarinta Khayraadka Biyaha Jamhuuriyaada Somaliland. Wasiirka biyuhu, waxa uu magaacabay xubnaha aas aaska u noqo

dharooro xasuustod''prof maxamed siciid gees ----qeybtii 34aaad

(xiiso)  B oqolkii mid baan garanayaa Biixiyaw Harar eh Bidhan arag markii aan socdaa qof i bariidshaaye Jamac Xiid Ka hadh baan lahaa, hadal haan ma buuxshee, hore ugu mar baan idhi, waa lagu habsaamee, caawaana hirkaan degay, ma hargeysa weyn-baa, hoobaynta siyaasadda baan galay halkaygii. Kontomeedyadii ayaa la odhan jiray Siyaasadda Somaliland waxa laga hagaa labada fooq ee isu sanqanaya (Kii Ina Jibriil iyo kii Ina Cumar Xaashi); hadda waxa laga wada tuulooyin isu-sanqanaya. Markaas hore ayaaba fooqyo la fuushanaa ee hadda tuulooyin iyo boodhkii ayaa lagu legdamayaa: Gar-adag, Daalo, Agabar, Xingalool, Xeego, Saaxdheer, Balligubadle, Dubur, halkaas ayaa lala aaday siyaasaddii qaranka. Waxa laga carararyaa ilbaxnimada, aqoonta iyo internet-ka, telefoonka, skybe-ka iyo (flush toilets), waxa la tegayaa meelo banka loo kor-tago. Siyaasadda lagaga hadlayo iyo dawladaha meelahaas lagu soo samaynayaa ma tahay mid horomar higsan doonto? Mise tuulo cusub ayey samayn doontaa? Dad