Posts

Showing posts from February, 2019

Siyaasadda Geeska Afrika Oo Mar Kale Isbeddel Ka Muuqdo Iyo Somaliland

Image
Tan iyo intii Raiisal wasaaraha Ethiopia ee Abby ahmed uu la wareegay shaqada waxa uu si xawli ah u dhaqaajiyay isbeddelo laga yaabay oo xawli ah oo dabcan waddamo faaiido u keenay sida Ertrea oo kale qaar kalena walaac ku abuuray sida jabuuti oo kale,Somaliland wuxu ku furay woxoogaa brobagando ah Dhinaca Somalia way is yara buurtay oo woxoogaa awood aanay lahayn ayay is bidday,waxayna isu aragtay inau ku amar ku taaglayn karto siyaasadda arrimaha dibadda. Hase ahaattee wixii waxad mooddaa in isbeddel ku yimid oo ay Runi run timid oo howlo badan oo gudaha Ethiopia ahi ka horyimaadeen abby ahmed sidaas darteed uu dhimay socodkii,waxa kalood mooddaa Madaxweynaha Federalka Somalia oo uu awal hore aad ugu xidhnaa inuu ka xiiso dhacay hadda oo dhinaca Somaliland oo markii hore uu u yara aamusay inuu hadda u soo janjeedhsaday waxad ka garan heerka martiqaad ee uu u sameeyay madaxweyne Biixi. Dhinaca kale Xukuumadda jabuuti ayaa aad uga niyad jabtay Xukuumadda Somalia in kastoo ja

Imaaraadka oo Shaaciyey Inay Maalgashiga ugu Badan ee Afrika ka Fulinayaan Somaliland

Image
Hargeysa (warda)- Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in Jamhuuriyadda Somaliland ay hoggaaminayso dalalka Afrika ee ay siiyaan maalgashiga tooska ah. Warsidaha East African Business Week, ayaa daabacday Warbixin ka soo baxday Xafiiska Maalgashiga Dibadda ee Tooska (FDI) ee Imaaraadka ayaa shaaciyey in Somaliland hormuud ka tahay dalalka ay maalgashanayaan, waxaana kaalinta labaad ku jira dalka Masar. Dawladda Imaaraadku Waxay caddeysay inay Somaliland wax kala qabanayaan dhinaca casriyeynta dekedda Berbera oo ay gelinayaan dhaqaale lagu qadaray 442 Milyan oo Doolar. Isla markaana ay saldhig Millatari ka furanayaan magaalo xeebeedda Berbera bisha June ee sannadkan. Sidoo kale waxa Xafiiska maalshiga FDI ee dalka Imaaraadku sheegay inay doonayaan inay noqoto dekedda Berbera marin biyoodka ugu muhiimsan ee Geeska Afrika. Mashaariicda ay maalgashanayso Imaaraadk Carabtu waxay iskugu jiraan horumarinta dekedaha, Gaadiidka, macdanta, cusboonaysiinta tamarta, deegaanka iyo h

Weftigii Madaxweynaha Somaliland oo Dalka Dib ugu Soo Laabtay

Image
Hargeysa (warda)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey oo booqasho laba maalmood qaadatay ugu maqnaa dalka Itoobiya, ayaa shalay ku soo guryo noqday caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Madaxweyne Muuse Biixi iyo weftiga uu hoggaaminayo, ayaa markii ay soo cago-dhigteen gegida caalamiga ah ee Cigaal International Airport, waxa safarkooda saxaafadda uga warbixiyey wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, waxana uu shaaciyey in wada-hadal midho dhal ah oo guul laga gaadhay uu dhexmaray madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Weftigu waxa uu la kulmay ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya, Dr. Abiy Axmed oo ay weheliyaan wasiirrada Khaarajiga, maaliyadda, wasiiru-dawlaha arrimaha dibadda iyo saraakiil sarsare oo dalka Itoobiya ka tirsan. wada-hadal is-fahan dheer leh, ayaa madaxweynaha iyo ra’iisal wasaara

Yuu u Qufulan yahay Dastuurka Somaliland? waxa qoray:Cabdi Muxumed,

Image
Waxaad in badan ka maqlaysaa siyaasiyiin ku sheega Somaliland, dadwaynaha iyo warbaahinta ba  “Dastuurka ilaa la furo hawshaasi ma suurta galayso.” iyo kan iyo keer. Iyadoo aad moodo inaynu ilduufayno su’aal aad u haboon inaynu is waydiino oo ah horta waa ayo cidda uu u qufulan yahay Dastuurka Somaliland? Dastuurku waxa uu ka mid yahay dhaxalkii uu inooga tagay Alle ha u naxariisto e’ madaxwaynihii hore ee Somaliland Mudane Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal. Samayntiisuna waxay qaadatay mudo dheer oo kharash badani kaga baxay Qaranka Somaliland. Dad badan ayaa ka qayb qaatay oo uu ka mid ahaa Gudoomiyihii hore ee Golaha Wakiiladda Alle ha u naxariisto e’ Qaybe iyo nin Suudaani ahaa oo saacaddii lagu siin jiray $150 oo Khabiir ku ahaa qoraalka dastuurka cusub ee la unkayo. Aakhirkiina hawshaa laga sameeyay buug yare in badan oo ka mid ahi qabyo tahay meelo badan oo ka mid ahna aad ku arkayso xeer ayaa qeexi doona. Hadda geeridii mudane cigaal waxa ka soo wareegtay middo 17 sanno

Kulanka Biixi & Abiye Axmed: Qodobada Ay Ka Wada Hadleen Ee Xidhiidhka Labada Dal, Isticmaalka Dekedaha Iyo Wada Hadalada Hargeysa Iyo Muqdisho

Image
H argeysa(allmarodijex)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay socdaal shaqo ku tagay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, ka dib markii uu martiqaad rasmi ah ka helay Raysalwasaaraha Itoobiya Dr. Abiye Axmed. Madaxweyne Biixi, waxa madaarka ku qaabilay Wasiirka maaliyadda Itoobiya Axmed Shide iyo Wasiirul dawlaha arrimaha dibadda Itoobiya Hirut Zemene, waxaana magaalada Addis Ababa loogu soo dhaweeyay si diiran, iyadoo qolka martida markii u horaysay la dhigay calamada Somaliland iyo Itoobiya. Kulanka Biixi iyo Abiye Raysalwasaaraha Itoobiya ayaa shalay gabal dhicii wuxuu xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweyne Biixi, waxaanay yeesheen kulan fool-ka-fool ah oo ay isku horfadhiisteen labada hoggaamiye iyo labada wefti ee ay kala wateen. Qoraalada la soo saaray Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, ayaa kulankaas ka dib soo saaray qoraalo ay kaga hadleen waxyaabaha ay labada dhinac ka wada hadleen. Madaxweyne Biixi Ma

Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ka Qayb Galay Xuska Maalinta Dhalinyaradda Somaliland+Sawiro.

Image
Hargeysa(Dawan)Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha qaranka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta ka qayb-galay xuska 20 February oo ah maalinta dhalinyaradda Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland iyo Raiisal Wasaaraha Ethiopia oo Ku Kulmay Addis-ababa iyo Nuxurkii Ay Ka Wada Hadlay +Sawiro.

Image
Hargeysa(allmarodijex)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey oo ku sugan caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, ayaa waxa xafiiskiisa ku qaabilay ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Dr. Abiy Ahmed. Kulanka dhexmaray madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Ra’iisal wasaaraha dawladda federal-ka Itoobiya, a yaa lagaga wada-hadlay arrimo badan oo khuseeya danaha labada dal oo ay ka mid yihiin xoojinta xidhiidhka iyo is-kaashiga labada waddan ee Somaliland iyo Itoobiya, Amniga iyo nabadgelyada, siyaasadda, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo horumarka dhaqan-dhaqaale ee waddamada geeska Afrika. Dalalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya, ayaa waxa ka dhexeeya xidhiidh qoto dheer oo soo jireen ah, kaas oo salka ku haya deris-wanaag, xidhiidh ganacsi iyo mid siyaasadeed oo guun ah. Kulanka dhexmaray madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo ra’iisal wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed, ayaa waxa ku

Hoggaan Hagaagsan, Hurumar Habaysan Dadwayne Hanuunsan

G aadhitaanka yoolka bulsheed ee dunida tartamaysaa waxa uu ku xidhan yahay fahan qoto dheer oo laga helo guud ahaan habka iyo hannaanka bulsho u dhaqan tahay iyo arrimaha togan ee ay ku taamayso. Sida aan ku rajo weynahay, haddii si qummaati ah looga fekero weyddiimo darandoorri ah isla markaana warcelintooda muddo dheer lagu foogganaado waxa suuragal ah in la gaadho hoggaan hagaagsan, horumar baahsan iyo dadweyne hanuunsan. Weyddiimaha ugu muhiimsan ee aadanaha dunida ku unkan uu ku qasban yahay inuu halhaleel uga warceliyo si hillinka iyo hogta nolosha uga warkeeno waxa ka mid ah: Sideee baynu ku heli karnaa hoggaan toosan? Waa side hoggaamiyaasha guusha ka gaadhay hoggaamintoodu? Hoggaamiyaashii guusha ka gaadhay hoggaamintooda maxaa u sabab ahaa :hoggaamiyaashii shacabka ahaa iyo kuwii milatariga ahaaba? Hoggaamiyaashii guuldarraysty maxay ku guuldarraysteen? Ugu danbayn muxuu hoggaamiyahu ama madaxwaynahu dadkiisa quluubtooda ku hanan karaa. Kaga dhabaynta arrimahaas

Maalin Xasuustayda Ku Weyn Dhagaxtuurkii 20kii Feb 1982

Image
Maxamed Yuusuf Bidhiidh ( BADDA) D a’ada naga yareey waxaad fasheen, waan ku diirsadeye. Deymooney baalaha, sidii duul baraarugaye. Alleh ha idin daayee xilbaad, naga dul qaadeen. Abwaan Qaasim(AHUN). Maalmuhu kala xasuus mudane, 20 ka february waa maalin aniga iyo qayrkey toona aanaan waligayo ilaabayn. Waa maalintii uu gadoodkii xanuunka iyo ciilkii lana baday dhashay, ee ay ardaydii caruurta ahayd, dhagax kala hor tageen xabad nool. Waa maalmihii noogu horeysay ee hortayada xabad loogu dilo caruurtii aanu wada kornay qaarkood, qaar kale oo badana xabado loogu dhaawacay. Waa maalintii xabsiga lagu guray wiilal iyo hablo aanu isku jiil ahayn oo qaar badan oo ka mid ihi xabsiyada iyo xerooyinkii milatariga ku dhex dhinteen.Waa maalintii aanu ku dhiiranay, calool adaygana weheshanay, ee aanu dhagaxa miciinsanay.Waa maalintay Hargaysi toostay. Waa maalintii aanu u adkaysan weynay in hortayada lagu ciqaabo macalimiintayadii, dhakaatiirtii iyo aqoontahaynkii reer Somaliland

Madaxweyne Biixi Oo Addis Ababa Ku Tagaya Martiqaad Rasmi Ah Oo Uu Ka Helay Raysalwasaaraha Itoobiya

Image
H argeysa(warda)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi, ayaa la filayaa inuu maanta socdaal shaqo oo rasmi ah ku tago caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa. Ma jiro war rasmi ahi oo ay madaxtooyadu ku xaqiijisay socdaalka Madaxweynaha iyo weliba ujeedadiisa, laakiin wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Biixi uu Itoobiya ku tagayo martiqaad rasmi ah oo uu ka helay raysalwasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed. Waxa la filayaa in Madaxweyne Biixi iyo Raysalwasaaruhu ay ku kulmaan magaalada Addis Ababa khamiista beri, iyagoo ka wada hadli doona danaha Somaliland iyo Itoobiya. Wuxuu kulankani noqonayaa markii u horaysay ee ay kulmaan Madaxweynaha Somaliland iyo Raysalwasaaraha Itoobiya. Madaxweyne Biixi waxa socdaalkiisa ku wehelin doona Wasiirada khaarajiga Yaasiin Faratoon, maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, ganacsiga iyo wershadaha Maxamed Xasan Sacad iyo taliyaha ciidanka qaranka sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani. Tan iyo markii Madaxweyne Biixi talada Somaliland loo dhaariyay December 201

Jiirku Ma Gudbin Karaa Xanuunka Daacuunka ?.

Image
Khubarro u dhalatay dalkaasi Norway ayaa daraasad ay sameeyeen kaga jawaabay su’aal in badan ay culimada Saynisku is weydiiyeen oo ahayd in jiirku gudbin karo xanuunka Daacuunka iyo kaalintii uu ku lahaa dacuunkii dadka reer Yurub layn jiray waqtiyadii hore . Khubaraddan reer Norway ayaa daraasaddan oo ay in muddo ah wadeen waxay ugu dambayn soo saareen natiijadeedii, iyaga oo sheegay in aanu Jiirku wax lug ah ku lahayn fiditaanka xanuunkaasi iyo sababtiisa intaba. Kooxdan Saynisyahanka ah ayaa sheegay in xanuunkan oo la odhan jiray Black Death uu sabab u ahaa fiditaankiisa waxyaalo bacteria ah oo laga helo jidhka dadka, kuwaas oo si fudud u sababa inuu u faafo xanuunkani, waxaana kamid ah noolahaasi yar yar ee xanuunkaasi fidiya bacteria-da loo yaqaano  Lice iyo Fleas-ka. Xanuunkan ayaa ilaa hadda ah midka ugu khatarsan xanuunadda dadka dila , isaga oo meelaha uu ka dilaaco si fudud ugu fida kuna laaya dad badan, waxa kale oo uu noqday xanuunka ugu dhimashada badnaan jiray wa

Qaabkee loo sammaystaa Qorshe Nololeed?

Image
Toban Talo oo Qorshaha Nolosha ah:- Noloshu waxay u baahan tahay qorshayaal joogto ah si ay u gaadho hadafkeeda iyo Himiladeedaba taasina waxay u baahan tahay innaad Toban kan Qodob fahantid ka dibna ku dhaqantid oo aad ka dhigatid mid aad ku xisaabtamaysid. Haddii aan xooggaa kuu sheego waxa ugu horreeya innaad yeelatid buugga qorshaha ee Naftaada dibna aad raacdid tallaabooyinkan:- 1. Sammayso Qorshe Wiigle ah, kadibna samayso oo liis garee Meelaha aad hiigsanaysid, qorshee qaabkii aad ku gaadhi lahayd iyo waddooyinka ku hor yaalla, sidoo kale shaqooyinkaaga caadiga si aad u qabsatid soo liis garee Maxaad qabanaysaa wiigan Maxaa muhiim ah maxaase aan muhiim ahayn soo horreysii qorshaha muhiimka ah. 2. Sammayso qorshe Bile ah iyo sanadle ahba Bishan maxaad qaban kartaa ama ku hor yaalla shaqo ama waxbarasho ama shaqoraadsi sidoo kale sanadkan maxaad qorshe ka dhiganaysaa waa in aad sanadkasta samaysaa qorshe sanadeed ka dibna ku dedaashaa gaadhistiisa. Liis garee baahid

Qisadii cajiibka ahayd ee maansada nuuxnuuxsi ee (Xasan Ganey)

Waxa uu yidhi ruug cadaagii mu-alifkii abwaankii weynaa ee XASAN X. CABILLAHI XASAN GENAY. “Anigoo Heeganka ku qoran xarunta ciidanka ee MIISKA SARAAKIISHA ee magaalada Hargeysa ayaa waxa xeradii soo gashay gabadh waxana ay la istaagtay nin ka mida ciidanka meesha ku sugnaa oo ay wada hadal bilaabeen iyagoo hadal kii wada ayaa uu ninkii mar kaliya bahal dhibaxo ah kaga soo gooyey inantii mise haddana ku dhuftay mid kale qof walbaaba yaab la joojiyey wixii uu gacanta ku hayey, sarkaal aan meesha ka fogeyn ayaa kusoo dhaqaaqay oo askarigii dhibaaxo ku bilaabay. Intaa ka dib inantii oo ooyaysa ayaa ninkii isku duubtay oo tidhi “Alla walaal ka daa tiisu waxba ima yeelaysee”. Wuxuu yidhi XASAN Ganey “aadbaan ula yaabay arinkaa gabadha iyo askariga dhexmartay iyo inta uu leegyahay iyo halka uu ninku ka joogo maadaama uu dhibaaxo la dhacay meel la wadda arkaayo iyadoo gabadh soomaaliyeeda iyo sida ay iyadu boholyowga , kalgacalkeedu yahay iyadoo uu u quudhay inuu ku dhirbaaxo dad hortii ku d